Magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya ciyaarihii ka socday oo galabta ay ku ciyaarayeen Jubaland iyo Galmudug ayaa laga badiyey Galmudug.

Ciyaartoyda Xulalka u kala ciyaarayey Galmudug iyo Jubbaland ayaa ciyaaro xiiso badan soo badhigay, waxaana midba kamidkala uu ka difaacanayey Gooshiisa iyagoo aad u adkeeyey difaacyada.

Ciyaarta oo Wareegii koowaad ay kooxaha kala haysteen Min Hal Gool ayaa wareegii labaad waxaa layimid gool kale Xulka Jubbaland kaas oo ka dhigay Jubbaland 2 Gool halka Galmudug 1 Gool oo kaliya uu keenay.

Tartanka Ciyaaraha Maamul goboleedyada Dalka ayaa waxaa gabi ahaanba isaga Haray Xulalka u kala ciyaarayey Galmudug iyo Hirshabelle iyadoo ay isku soo hareen 3 Maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir.

Ciyaarta soo socota ayaa waxaa dhexmaraysaa Xulalka Banaadir iyo Puntland oo iyadu difaacanaysa Koobka Maamul goboleedyada Dalka waxaana xusid mudan inaan wali Puntland looga Badin Tartanka Ciyaaraha ee maamul goboleedyada Dalka kaas oo ka socda magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here