Gudoomiyaha Xariirka Kubada Cagta Somaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Xafiiska Xariirka Kubada Cagta Somaliyeed ee Magalada Mugdishu,Waxa uu kaga hadlay Sababta Somaliya Sanadkan Aysan ugu Qeeb Gali dooniin Cayaaraha Bariga Iyo Bartamaha Africa .

Gudoomiyaha xariirka SFF Waxa uu been Abuur ku tilmaamay Hadal ay qoreeen warfidiyeenada dalka kenya oo ah in Somaliya Tartanka ay ugu baaqatay Amni daro dalka ka jirta iyo in xariirka cayaaryahanada isku keeni karin .

Dhinaca kale Cabdi Qani Saciid Carab waxa uu saxafada u sheegay in xulka Somaliya uu tartankaas ugu baaqsaday sababo la xidhiidha Musiibadii Qarax Aheyd ee ka dhacday isgoogska Zoobe ee Magalada Mugdishu 14 -kii October .

Inkastoo ay ka soo qeeb galeen shirkaas jaraa’id saxafiyiin tiro badan oo ka kala socoto qeebaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa hadana waxaa laweydiyay Gudoomiyaha Labo Su’aal waxeyna u dhaceysay sida tan .

1- Qaranka Somaliya waxuu safarada bixi jiray iyadoo garoomada ay sameyeen duqeymahii iyo dagaladii magalada ka jirta xiligaas maanta maxey tahay sababta uu baqaday?
2-maxaa shir jaraa’id u qaban weyseen hadii tartanka Somaliya ugu hartay musiibadii Zoobe maxaasa been abuurka aad sheegtay ee warbahinta Kenya ka soo hormariyay Go’aankiina
Gudoomiyaha Xariirka Somaliyeed ee kubada Cagta Cabdi qani saciid Carab waxa uu ugu jawaabay Su’aalahaas in qaranka uu u baqaday Musiibadii Qaraxa ee Zoobe 14 -ka October

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here