Real Madrid, ayaa waxay xusul duub ay ugu jirtaa sidii ay ku heli lahayd ciyaaryahan afka hore ka dheela, kaasoo ay kula lamaaniso, laacibiniinteeda daalan ee kala ah: Karim Benzema, Ronaldo Gareth Bale.

Sida uu dhawaan sheegay Zidane, kooxda Madrid, ayaa waxay udhaqaaqi doontaa bisha Janaayo ee sanadka dambe, markaasoo uu furmi doono soo xer gelinta weerar yahan, waxaana ay kamid ah, kuwa ay beegsan doonto Sergio Aguero.

Aguero, ayaa waxa uu kamid yahay:- gooldhaliyaasha ugu halista badan, xagaagan tartanka Premier League, waxaana uu udhaliyay kooxdiisa tiro goolal ah, kuwaasoo muhiim ahaa, isagoona caawiyay kuwa kale.

Balse imitaanka weerar yahan Gabriel Jesus, ee Etihad Stadium, ayaa waxay keentay in wiilkaan uu heli waayo dookha koowaad ee kooxda Pep, waxaana la sheegayaa inuu ka tegi doono kooxdiisa, bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Pep, oo haatan qorsheenayo inuu lasoo wareego Sanchez, ayaa waxay leedahay Shabakada Don Balon, ayaa waxay sii dhalin kartaa in Aguero, uu ka tago kooxdiisa, islamarkaana uu aado Real Madrid.

Don Balon, ayaa sheegeysa dhankeeda in, Los Blancos, ay qorsheysay, inay lasoo dhaqaaqdo, Aguero, hadii Sanchez, uu yimaado Sky Blues, waxaana ay taasi farxad utahay taageerayaasha Boqorada La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here