Pierre-Emerick-Aubameyang, gooldhaliyaha halista badan ee kooxda kubada cagta Dortmund, ee wadanka Jarmalka, ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu doonayo inuu ka tago kooxdiisa bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Aubameyang, oo dhaliyay 15 gool, 17 kulan uu garoonka usoo galay dhamaan tartamada oo idil, kooxdiisa Dortmund, ayaa waxa uu yahay mid aanan ku farax saneen joogitaanka Germany, sida ay leedahay Majalada Bild.

Laacibka heerka caalami ee wadanka Gabon, ayaa waxa uu yahay kamid yahay gooldhaliyaasha ugu fiican waqti xaadirkaan dunida, isagoona usharax abaalmarinta xidiga sanadka ee Qaarada Africa, taasoo ay bixiso Hay’adda BBC.

 Aubameyang, ayaa waxaa doon doonaya qaar kamid ah, kooxaha ugu waa weyn Yurub, waxaana xagaagii lasoo dhaafay uu ku dhawaa inuu ka tago Kooxdiisa, isagoona qirtay inuu jeclaa Real, balse iyada aysan isaga dooneen.

Taas ayaa ka dhigan in xagaagan uusan ku biiri doonin Madrid, oo haatan u baahan gooldhaliye, waxaana Jariirada Bild, ay sheegeysaa in wiilkaan uu aadi doono Barcelona, islamarkaana ay ku iibsan karo Barca, aduun dhan 54 Malyuun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here