Maamulka Garoonka Diyaradaha magalada Kismaayo  ayaa maanta la wareegay qalab cusub oo loogu talo galay in lagula socdo saadaasha Hawada Garoonka Kismaayo, Kaas oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Soomaaliya ugu deeqday.

Maareeyaha Garoonka Kismaayo C/Laahi Aadan Maxamuud Jagadoon oo uu Wehlinaayo injineerka sameyn doona qalabka ayaa soo kormeeray dhabaha weyn Ee ay ku ordaan diyaradaha ,iyagoona soo indho indheeyey halka ugu haboon ee qalabkaan cusub lagu rakibaayo.

Cabdulaahi Aadan Maxamuud Jagadoon Maareeyaha Garoonka Kismaayo  ayaa  sharaxay qalabkaan iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana uu sheegay in qalabka cusub iyo ku shaqeyntiisa loo tababari doono shaqaale.

Dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa xooga saartay tayeynta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida garoonka diyaaraha iyo dekedda magaalada Kismaayo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here